DALJIR: Hoyga Wararka & Hormarinta Bulshada


Daljir

Wasiir Juxaa iyo Puntland First: #PuntlandFirst: "Baraarug waqtigu keenay"

PuntlandFirst waa dhaqdhaqaaq dhallinyaro oo shin dhalad ah. Waa feker iyo aragti xero dhalad ah oo aan barax lahayn. Waa baraarug waqtigiisa yimi oo ka dhashay saluug iyo tabasho bulsho nolosheedu iska daba-wareeg gashay.

#PuntlandFirst waa dhaqdhaqaaq ujeedadiisu tahay in la dhiso "better" Puntland, danaheeda wax walba oo kale ka hormarinaysa. Puntland mid ah, amni ah, horumarsan oo hiigsi iyo himilo cad yoolkeedu yahay.
#PuntlandFirst waxaa falsafad u ah inay Puntland xaqiijiso #self-#governance-is-maamul" Dawladnimo oo aan loodsamin, kuna dhex lumin baaxaa-degga Koonfurta Somalia.

Waa dhaqdhaqaaq dhallinyaro oo leh cilmi-baaris strategic ah, saxaafad xor ah iyo baraarug bulsho wacyi leh.
Waa jiil cusub oo Puntlandnimo lagu canqariyey, waxayna xambaarsan yihiin fekerka "labo-kaclaynta" Puntland. Waa jiil aan qabin "laboboglayn" siyaasadeed, waana sababta ay ula baxeen magaca PuntlandFirst.

Waxay mudan yihiin in la soo dhoweeyo oo la taageero. Ciddii qabta aragti kale, ma xuma ee saaxadda ha keento. Waa la dhegeysan, waana lasoo dhoweyne.

Waa inaan noqonnaa bulsho wacyi sare leh oo si ilbax ah u doodda, danahoodana u lafo-gurta.
#PuntlandFirst

3 hours ago | [YT] | 18

Daljir

Issimada dhaqanka, wasiirrada, xildhibaannada iyo masuuliyiinta gobollada Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka Bari, iyo Guddiga Nabadda Gogosha ee degmada Badhan, ayaa magaalada Garoowe kulan kula qaatay masuuliyiinta Jaaliyadda Puntland ee dalka Zambia.

16 hours ago | [YT] | 55

Daljir

Caasha Cabdicasiis ayaa kaalonta 2aad u gashay tartanka Quraanka Gabdhaha Puntland oo lagu qabtay magaalada Boosaaso. Guulasytaha Kaalinta 2aad ee Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Gabdhaha Puntland 2026 oo abaalmarin u heshay $1500

#SufaraaulQuraan
#NoolayntaQuraanka
#TartankaQuraanka

22 hours ago | [YT] | 66

Daljir

Dagaalka Oromada iyo xaq udirirka Soomaalida oo galay maalinkii 8aad.

Dagaal ay xalay kuqaaday oromada degmada Mooyaale iyo deegaano kamid ah Gobolka Daawo oo ay kamid tahay Minwata ayaa wali socda.
Oromada waxaay heleysaa gurmad isdaba joog ah 8dii maalmood oo dagaalka uu socday kaas oo ugu imaanaya dhan walba ilaa oromada heer federal.

Dagaalka oo yara joogsaday saacadaha aroortii ayaa markale dib ubilowday waabarigii.

Qasaaraha dagaalka 24 kii saac ee ugu dambeeyay ayaa badan waloow dhanka oromada ubadan yahay sida ay noo xaqiijiyeen dad Mooyaale kusugan oo an la hadalnay.

Dhowaan ayay ahayd markii Mooyaale lagu dilay hogaamiyihii dagaalka aaga Mooyaale ee oromada gaar ahaan dagaalkii habeenkii 5aad intii ay weerarka ahaayeen oromada.

Mohamed Koronto

23 hours ago | [YT] | 20

Daljir

Sulayma Maxamuud ayaa kaaljnta 1aad u gashay tartanka Quraanka Gabdhaha Puntland oo caawa lagusoo gaba gabeeyey magaalada Boosaaso.

Guulasytaha Kaalinta 1aad ee Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Gabdhaha Puntland 2026 oo abaalmarin u heshay $1500 iyo labo cumro.

1 day ago | [YT] | 36

Daljir

Madaxweyne Hore, Shariif Sheekh Axmed

1 day ago | [YT] | 20

Daljir

Iran oo afduubatay Diyaarad mareykanka leeyahay.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa sida ay sheegeen waxaay afduubeen Diyaarad mareykanka lee yahay xili ay mareysay hawada marinka Hormuz ee Iran.
Diyaaradan oo muuqaalkeeda uu baahiyay Tv ga Ruushka ee RT oo kasoo xigtay ilaalada Kacaanka Iran ayaa nooceedu wuxuu yahay nooca aan duuliyaha lahayn ee MQM-170.

Ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ayaa war ay soo saareen waxaay kusheegeen inay nidaamka hagista Diyaarada la wareegeen.
Lawareegista nidaamka hagista diyaaradda kadib Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku guuleystay inay diyaaradda dhulka kusoo dajiyaaj iyada oo bad qabta.

Mohamed Koronto | Daljir Media

1 day ago | [YT] | 15

Daljir

Doon laga lahaa Puntland oo lagu dhuftay Gantaal xilli ay maraysay Marinka Hormuz, taas oo sidday xamuul aad ubadan.

Doontan oo siday badeecado kala duwan ayaa lagu magacaabaa Sky Quba, waxayna kusoo wajahnayd magaalada Boosaaso, iyadoo kasoo ambabaxday magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta (UAE).

Doontan ayaa la sheegay inay siday xamuul dhan 1,200 oo tan oo isugu jiray shidaal iyo bagaash, iyo ku dhowaad 30 gaari oo loo waday gudaha Puntland.

2 days ago | [YT] | 33

Daljir

"Waxaa caado u noqotay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu ku xalliyo xoog wax kasta oo kala aragti duwanaan siyaasadeed ah, kuna biimeeyo ciidammadeenna qalabka sida ee geesiyaasha ah dagaallo iyo hawl-gallo aan qorshaysnayn, argagixisadana uu ugu loogo." Madaxweyne Hore Maxamed Cabdillaahi Farmaajo

2 days ago | [YT] | 50

Daljir

"Ma jirto dan siyaasadeed oo qiimaheedu gooyo dhiigga askari Soomaaliyeed. Khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka kasoo gaadhay weerarkii argagixisada ee deegaanka Jameeco waxa uu murugo weyn ku reebay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed." Farmaajo

2 days ago | [YT] | 99