Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu walaac xooggan ka muujinayaa xadhigga sii kordhaya ee loo geysanayo suxufiyiinta Somaliland.
Galabta magaalada Hargeysa waxa lagu xidhay laba wariye oo kala ah Wariye Maxamed Cabdi Qalinle iyo Wariye Cabdiqaadir Ismaaciil Foodhaadhi, oo labaduba ka hawlgala KF Media.
Suxufiyiinta ayaa la sheegay in laga soo qabtay iyaga oo ka warbixinaya Kulanka Islaamka ee ka socday duleedka bari ee magaalada Hargeysa. Ururka SOLJA waxa uu walaac ka muujinayaa xadhigga suxufiyiintan, iyada oo uu weli xabsiga ku jiro Wariye Cabdiqani Baylood, kaas oo maanta ku jira maalintii 29-aad ee xadhigiisa.
Ururka SOLJA waxa uu laamaha ammaanka ugu baaqayaa in si degdeg ah xorriyaddooda loogu soo celiyo suxufiyiinta xidhan, isla markaana la ixtiraamo xorriyadda saxaafadda ee uu damaanad qaadayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Beer ku taalla Magaalada Wilmar ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka waxaa ku geeriyoodey laba wiil, halka mid sadexaad oo xaaladiisu culus tahay loola cararay Cisbitaalka, kadib markii rag hubaysan oo baabuur wataa ay toogteen.
Dhalinyarada geeriyootay ayaa lagu kala Magacaabi jirey Yasir, Khaalid iyo Diiriye kuwaasi oo jira da'da 19 jir ilaa 20 jirka sida ay qortay Warbaahintu.
Inkasta oo ay Booliska qariyeen Magacyada si wakhti loo siiyo qoysaska dhibanayaasha, balse warbaahin Maxali ah ayaa xaqiijisey in dhalinyarada la toogtay iyo kuwa la tuhmayo iney toogteenba ay Soomaali yihiin.
Madaxweynaha Maraykanka oo khudbad ka jeedinayay Aqalka Cad ee dalkaasi ayaa qayb ka mid ah hadalkiisu bilaa cod noqday kadib markii uu 3 Warbaahinood oo waaweyn ka mamnuucay iney galaan aqalka cad, isagoo ku eedeeyay iney ka baahiyeen warar been abuur ah.
Warbaahinada kala ah CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 19-kii Sebtembar laga celiyey wariyeyaashooda Aqalka Cad, waxaana laga qaaday aqoonsiyadii saxaafadda, taasi oo sababtay in Warbaahinta kale ee dalkaasi iyaguna ka gaabsadaan baahinta wararka Trump.
Warbaahinta Aqalka Cad loo diidey ayaa dacwad u gudbiyey Maxkamadda, iyagoo ku doodaya in Arintani jebinayso xuquuqda saxaafadda ee ku xusan Wax-ka-beddelka Koowaad ee Dastuurka dalka Maraykanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa xalay gaadhay magaalada New York ee dalka Maraykanka, isaga oo ka soo ambabaxay magaalada Washington.
Madaxweynaha ayaa magaalada New York ka sii wadi doona dedaallada diblomaasiyadeed ee uu ka wado dalka Maraykanka, xilli uu furmayo shirweynaha Qaramada Midoobay.
Dhanka kale, magaalada New York ayaa Arbacada lagu wadaa in uu ka dhaco mudaharaad ay qabanqaabinayaan jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka, kaas oo laga hor dhigi doono xarunta Qaramada Midoobay.
Mudaharaadka ayaa lagu taageerayaa qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland.
Afhayeenka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga falceliyay hadallo uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ka sheegay Taiwan intii uu ku guda jiray booqashadiisa Maraykanka.
Safaaradda ayaa sheegtay in hadalladaasi ay ka hor imanayaan mabda’a Hal Shiinaha, isla markaana ay wax u dhimayaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Shiinaha. Beijing waxay ku adkaysatay in Taiwan ay tahay qayb ka mid ah dhulka Shiinaha, iyadoo digniin ka bixisay tallaabo kasta oo ay u aragto inay ka gudbayso xadka arrinta Taiwan.
Dhanka kale, Shiinuhu wuxuu sheegay inuu Somaliland u aqoonsan yahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana uu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale sheegtay inay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Soomaaliya.
Dowladda Sucuudiga ayaa dil ku fulisey muwaadin u dhashay dalkaasi oo markii labaad lagu qabtay isagoo ka ganacsanaya Mukhaadaraad, sida ay sheegtay Wasaarada Arimaha Gudaha Sucuudigu.
Muwaadinka dilka lagu fuliyey oo lagu magacaabi jirey Mansour bin Saad bin Ayyad, ayaa markii labaad lagu qabtay isagoo ka ganacsanaya Xashiishad iyo kiniinka loo yaqaano amfetamiinka, iyadoo Maxkamadii loo gudbiyey xaqiijisey eedaha loo haysto isla markaana ku fulisey dilka loo yaqaano Ta'asiir.
Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dalalka adduunka ee dadka ugu badan xukunnada dilka ku fuliya. Inkastoo intii u dhexeysay Janawari 2021 ilaa Nofeembar 2022 uu jiray hakad ku yimi, balse markii danbe dib loosoo celiyey.
Madaxweyne Cirro oo la waydiiyay sida Somaliland uga gaashaamatay khataraha amni ee ka jira gobolka Geeska Afrika gaar ahaan kooxaha argagxisada ayaa ku jawaabey sidan;
“Muwaadiniintayadu dhammaantood waxay u dhaqmaan sida boolis, waxayna caawiyaan hay’adaha amniga Somaliland haddii ay dareemaan ama arkaan qof laga shakisan yahay. Sidaa darteed, waxaan u malaynayaa in sirta ugu weyn ay tahay in dadka laga shakisan yahay aanay Somaliland ka helin meel ay ku dhuuntaan. Qof kasta oo la kulma qof laga shakisan yahay wuu soo sheegaa, sidaas darteed qof walba wuxuu la mid yahay booliis mutadawac ah.”
Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa wacay maamulaha shirkadda Nvidia, oo ku gudo jirey Barnaamij si toos ah u baxayay kaasi oo uu kaga hadlayay walaaca sii kordhaya ee laga qabo xawliga uu ku soconayo Barnaamijyada A.I, gaar ahaan in la yareeyo horumarinta awoodooda.
Trump ayaana toos u soo wacay Telefoonka maamule Jensen Huang, isagoo isna dalacay sameecadda mobile-ka, iyadoo Trump uu ka sheegay barnaamijkani oo Live u baxayay inaan loo baahnayn in laga cabsado horumarka ay ku talaabsanayaan barnaamijyada A.I, isagoo cabsida laga qabo ku tilmaamay mid aan sal adag ku taagnayn.
Hadalka Trump ayaa imanaya kadib digniino ay jeediyeen rag uu ka mid yahay Madaxweyne hore Brack Obama kaasi oo A.I ku tilmaamay inuu noqon karo khatar haddii aan si degdeg ah qorshe cad looga yeelan loona maamulin. Sidoo kale khubaro iyo Qoraayo ayaa iyaguna barnaamijyada A.I digniino kasoo saaray.
KF Media TV
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu walaac xooggan ka muujinayaa xadhigga sii kordhaya ee loo geysanayo suxufiyiinta Somaliland.
Galabta magaalada Hargeysa waxa lagu xidhay laba wariye oo kala ah Wariye Maxamed Cabdi Qalinle iyo Wariye Cabdiqaadir Ismaaciil Foodhaadhi, oo labaduba ka hawlgala KF Media.
Suxufiyiinta ayaa la sheegay in laga soo qabtay iyaga oo ka warbixinaya Kulanka Islaamka ee ka socday duleedka bari ee magaalada Hargeysa.
Ururka SOLJA waxa uu walaac ka muujinayaa xadhigga suxufiyiintan, iyada oo uu weli xabsiga ku jiro Wariye Cabdiqani Baylood, kaas oo maanta ku jira maalintii 29-aad ee xadhigiisa.
Ururka SOLJA waxa uu laamaha ammaanka ugu baaqayaa in si degdeg ah xorriyaddooda loogu soo celiyo suxufiyiinta xidhan, isla markaana la ixtiraamo xorriyadda saxaafadda ee uu damaanad qaadayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
3 weeks ago | [YT] | 51
View 2 replies
KF Media TV
Wariye Maxamed Cabdi Qalinle iyo sawir-qaade Cabdiqaadir Ismaaciil Cabdiraxmaan, oo ka tirsan bahda KF Media TV, ayaa ciidanka Booliska Somaliland u taxaabeen xabsiga goor-dhoweyd oo maanta ab, xilli ay ku guda jireen hawlahooda shaqo.
3 weeks ago | [YT] | 53
View 3 replies
KF Media TV
Beer ku taalla Magaalada Wilmar ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka waxaa ku geeriyoodey laba wiil, halka mid sadexaad oo xaaladiisu culus tahay loola cararay Cisbitaalka, kadib markii rag hubaysan oo baabuur wataa ay toogteen.
Dhalinyarada geeriyootay ayaa lagu kala Magacaabi jirey Yasir, Khaalid iyo Diiriye kuwaasi oo jira da'da 19 jir ilaa 20 jirka sida ay qortay Warbaahintu.
Inkasta oo ay Booliska qariyeen Magacyada si wakhti loo siiyo qoysaska dhibanayaasha, balse warbaahin Maxali ah ayaa xaqiijisey in dhalinyarada la toogtay iyo kuwa la tuhmayo iney toogteenba ay Soomaali yihiin.
4 weeks ago (edited) | [YT] | 51
View 3 replies
KF Media TV
Madaxweynaha Maraykanka oo khudbad ka jeedinayay Aqalka Cad ee dalkaasi ayaa qayb ka mid ah hadalkiisu bilaa cod noqday kadib markii uu 3 Warbaahinood oo waaweyn ka mamnuucay iney galaan aqalka cad, isagoo ku eedeeyay iney ka baahiyeen warar been abuur ah.
Warbaahinada kala ah CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 19-kii Sebtembar laga celiyey wariyeyaashooda Aqalka Cad, waxaana laga qaaday aqoonsiyadii saxaafadda, taasi oo sababtay in Warbaahinta kale ee dalkaasi iyaguna ka gaabsadaan baahinta wararka Trump.
Warbaahinta Aqalka Cad loo diidey ayaa dacwad u gudbiyey Maxkamadda, iyagoo ku doodaya in Arintani jebinayso xuquuqda saxaafadda ee ku xusan Wax-ka-beddelka Koowaad ee Dastuurka dalka Maraykanka.
1 month ago | [YT] | 52
View 2 replies
KF Media TV
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa xalay gaadhay magaalada New York ee dalka Maraykanka, isaga oo ka soo ambabaxay magaalada Washington.
Madaxweynaha ayaa magaalada New York ka sii wadi doona dedaallada diblomaasiyadeed ee uu ka wado dalka Maraykanka, xilli uu furmayo shirweynaha Qaramada Midoobay.
Dhanka kale, magaalada New York ayaa Arbacada lagu wadaa in uu ka dhaco mudaharaad ay qabanqaabinayaan jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka, kaas oo laga hor dhigi doono xarunta Qaramada Midoobay.
Mudaharaadka ayaa lagu taageerayaa qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland.
1 month ago | [YT] | 119
View 1 reply
KF Media TV
Afhayeenka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga falceliyay hadallo uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ka sheegay Taiwan intii uu ku guda jiray booqashadiisa Maraykanka.
Safaaradda ayaa sheegtay in hadalladaasi ay ka hor imanayaan mabda’a Hal Shiinaha, isla markaana ay wax u dhimayaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Shiinaha. Beijing waxay ku adkaysatay in Taiwan ay tahay qayb ka mid ah dhulka Shiinaha, iyadoo digniin ka bixisay tallaabo kasta oo ay u aragto inay ka gudbayso xadka arrinta Taiwan.
Dhanka kale, Shiinuhu wuxuu sheegay inuu Somaliland u aqoonsan yahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana uu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale sheegtay inay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Soomaaliya.
1 month ago | [YT] | 89
View 9 replies
KF Media TV
Dowladda Sucuudiga ayaa dil ku fulisey muwaadin u dhashay dalkaasi oo markii labaad lagu qabtay isagoo ka ganacsanaya Mukhaadaraad, sida ay sheegtay Wasaarada Arimaha Gudaha Sucuudigu.
Muwaadinka dilka lagu fuliyey oo lagu magacaabi jirey Mansour bin Saad bin Ayyad, ayaa markii labaad lagu qabtay isagoo ka ganacsanaya Xashiishad iyo kiniinka loo yaqaano amfetamiinka, iyadoo Maxkamadii loo gudbiyey xaqiijisey eedaha loo haysto isla markaana ku fulisey dilka loo yaqaano Ta'asiir.
Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dalalka adduunka ee dadka ugu badan xukunnada dilka ku fuliya. Inkastoo intii u dhexeysay Janawari 2021 ilaa Nofeembar 2022 uu jiray hakad ku yimi, balse markii danbe dib loosoo celiyey.
1 month ago | [YT] | 50
View 2 replies
KF Media TV
“Waxaan heegan ugu jirnaa khatar kasta oo dhankaas (Yemen) ka iman karta, dagaal kulama jirno mana dagaallamayno hadda, balse waan dareen sannahay khatarta” Madaxweyne Cirro.
1 month ago | [YT] | 87
View 7 replies
KF Media TV
Madaxweyne Cirro oo la waydiiyay sida Somaliland uga gaashaamatay khataraha amni ee ka jira gobolka Geeska Afrika gaar ahaan kooxaha argagxisada ayaa ku jawaabey sidan;
“Muwaadiniintayadu dhammaantood waxay u dhaqmaan sida boolis, waxayna caawiyaan hay’adaha amniga Somaliland haddii ay dareemaan ama arkaan qof laga shakisan yahay. Sidaa darteed, waxaan u malaynayaa in sirta ugu weyn ay tahay in dadka laga shakisan yahay aanay Somaliland ka helin meel ay ku dhuuntaan. Qof kasta oo la kulma qof laga shakisan yahay wuu soo sheegaa, sidaas darteed qof walba wuxuu la mid yahay booliis mutadawac ah.”
1 month ago | [YT] | 85
View 0 replies
KF Media TV
Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa wacay maamulaha shirkadda Nvidia, oo ku gudo jirey Barnaamij si toos ah u baxayay kaasi oo uu kaga hadlayay walaaca sii kordhaya ee laga qabo xawliga uu ku soconayo Barnaamijyada A.I, gaar ahaan in la yareeyo horumarinta awoodooda.
Trump ayaana toos u soo wacay Telefoonka maamule Jensen Huang, isagoo isna dalacay sameecadda mobile-ka, iyadoo Trump uu ka sheegay barnaamijkani oo Live u baxayay inaan loo baahnayn in laga cabsado horumarka ay ku talaabsanayaan barnaamijyada A.I, isagoo cabsida laga qabo ku tilmaamay mid aan sal adag ku taagnayn.
Hadalka Trump ayaa imanaya kadib digniino ay jeediyeen rag uu ka mid yahay Madaxweyne hore Brack Obama kaasi oo A.I ku tilmaamay inuu noqon karo khatar haddii aan si degdeg ah qorshe cad looga yeelan loona maamulin. Sidoo kale khubaro iyo Qoraayo ayaa iyaguna barnaamijyada A.I digniino kasoo saaray.
1 month ago | [YT] | 11
View 0 replies
Load more