Dr Abdirizak Osman ( Timajilac )
YouTube :- Dr-Timajilac
Facebook :- dr timajilac
Tiktok :- Dr-Timajilac


DR-TIMAJILAC

Waa Maxay Onychomycosis?

Onychomycosis waa cudur uu keeno ilmo aragtada nooca fungus-ka, kaas oo ku dhaca cidiyaha gacmaha ama lugaha.

Bulshadeena badanaa waxay ku khaldaan cudurka waraaboowga ama isfiilitada, balse waa cudur ka duwan oo uu keeno jeermiska fangas.

Sida sawirka hoose ka muuqata ๐Ÿ‘‡ Wuxuu sababaa burbur iyo dhaawac ciddiyaha iyo hareerahooda. Qofka wuxuu dareemaa xanuun iyo midabka cidiyaha oo is badala.

๐Ÿ’ง Sababaha keena ama qofka unugkeeya๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡

๐Ÿ‘‰ Qoyaanka badan ee faraha ama cagaha, sida dhaqidda joogtada ah ee dharka ama alaabta iwm waxeey kuu nugleen karaan xanuunkaan.

๐Ÿ‘‰ Nadaafadaada oo liidata.

๐Ÿ‘‰ Xerashada Kabaha ciriiriga ah ama kuwa xeran .

๐Ÿ‘‰ Dhaawac ama jug soo gaarta ciddiyaha.

๐Ÿ‘‰ Difaaca jirka oo daciifa
Sidoo kale waxaa unugul dadka qaba HIV ama cudurrada daba dheeraada ama dadka daโ€™da weyn.

๐Ÿ‘‰ Dadka qaba cudurka sonkorowga (diabetes mellitus) wee unugulyihiin xaaladaan.

๐Ÿ” Calaamadaha (Signs & Symptoms):

๐ŸŽจ Midabka ciddiyaha oo isbeddela, jaalle, bunni, madow ama caddaan.

๐Ÿ’ช Ciddiyaha oo dhumuc yeesha ama adkaada.

๐Ÿ’” Ciddiyaha oo dillaaca ama burbura.

โšก Ciddiyaha oo ka goโ€™a gunta hoose (onycholysis).

๐Ÿ‘ฃ Xanuun marka xerato kabo adag.

๐Ÿ”ฅ Cuncun ama raaxo darro agagaarka ciddiyaha.

Sidee loo daaweeyaa xanuunkaan?

๐Ÿ’Š Daaweynta (Treatment): dadka waa weeyn ee qaangaarka ah ( adults ):-

Boomaato waxba kama tarto badanaa sidaas darteed waxaa lagu daaweeyaa kaniiniyadaan midkood (Systemic antifungals):

1. Terbinafine 250 mg maalintii waxaana la wadaa 6โ€“12 toddobaad ama isbuuc waa daawada ugu waxtarka badan, balse waxaa muhiim ah in la hubiyo shaqada beerka (LFTs) maadaama ee saameeyn ku leedahay.

Ama waxaa ku badalan kartaa:-

2. Itraconazole 200 mg maalin kasta 12 toddobaad ama isbuuc

Ama waxaa ku badalan kartaa:-

3. Fluconazole 150โ€“300 mg usbuucii 6โ€“12 bilood.

Ugu dambeeyn:-

๐Ÿงด Daryeel iyo Talooyin Dheeraad ah:-

โœ… Ciddiyaha si joogto ah u jar oo u nadiifi.

โœ… Ka fogow kabaha ciriiriga ah iyo meelaha qoyan.

โœ… Isticmaal kabo nadiif ah oo nuuga dhididka.

โœ… Haddii aad qabto sonkorow, xakamee sonkorta.

โœ… Dawee fungus-ka cagaha haddii uu jiro si uusan ugu gudbin ciddiyaha.

๐Ÿง  Talooyin Kahortag ah:

1๏ธโƒฃ Cagaha iyo faraha si fiican u qalaji kadib qubays kasta.

2๏ธโƒฃ Hala wadaagin maqasyada, kabaha ama suufka dadka kale.

3๏ธโƒฃ Xidho kabo nadiif ah markaad gasho barkadaha ama meelaha biyo leh.

4๏ธโƒฃ Ilaali nadaafadda gacmaha iyo cagaha.

5๏ธโƒฃ Iska ilaali meelaha qoyan iyo kulaylka badan.

๐ŸŒŸ Kaniiniga ugu waxtarka badan:

๐Ÿ’Š Terbinafine 250 mg maalin kasta 6โ€“12 toddobaad wad hakala joojin adiga oo la tashanaayo dhaqtarkaada.

๐Ÿงฉ Gunaanad:

Onychomycosis waa cudur si tartiib ah u fida laakiin daaweeyntisa waqti badan qaadata. Nadaafad joogto ah, qalajinta faraha, iyo daawo joogto ah waa furaha guusha! ๐Ÿ”‘

Qore: Dr Timajilac

2 weeks ago | [YT] | 33

DR-TIMAJILAC

Maxaa loola jeedaan in halkaan tahay wadnaha labaad ee jirka sababta ???

3 weeks ago | [YT] | 66

DR-TIMAJILAC

Sadaxdaan midkee ayaa ku bilaabata subixii?
Midkee ayaana fiican caafimaad ahaan inaa ku bilaawdo?

3 weeks ago | [YT] | 108