"Graphic designer || web design || Digital Marketing agency & online training center & etc."
Contact Us 👉 +252 63 478 4891
channelkan waxaan u abuurnay in aan bulshada soomaaliyeed la wadaagno aqoon ku saabsan internetka iyo aaladaha lagu isticmaalo.
waxaana si maalinle ah uga heli kartaa update ka cusub ee technology iyo aaladaha lagu isticmaalo, sida mobile, computer, saacadaha iyo IWM
Wixii soo cabasho ama soo jeedin an nagula wadaag Email-ka hoos ku xusan
👇👇👇
info.jiilsom@gmail.com
Jiilsom
Waxaan rabaa inaan u sheego Asxaabta qiimaha badan leh ee ku xiran Jiilsom in aan hakin doono shahaadoyinka wixii ka dambeeya 22-sep-2026 oo ku beegan maalinta bari ah, sidii aan horey u sheegnayba markii aan bilaabaynay
Mahadsanidiiiiiiin
17 hours ago | [YT] | 12
View 0 replies
Jiilsom
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan asxaabta qiimaha badan ee ku xiran Jiilsom, gaar ahaan ardaydii bartay barnaamijka PixelLab, in Jiilsom ay bilaabayso bixinta shahaadooyinka PixelLab.
Qof kasta oo doonaya inuu helo shahaadada waa inuu buuxiyaa shuruudahan:
1- Waa inuu si fiican u fahamsan yahay isticmaalka PixelLab.
2- Waa inuu dhammeystay muuqaalada casharrada PixelLab ee lagu soo geliyey YouTube-ka Jiilsom.
3- Waa inuu haystaa mashaariic/designs uu ku sameeyey PixelLab.
4- Waa inuu diyaar u yahay in laga qaado imtixaan lagu qiimeynayo aqoontiisa.
5- Waa inuu bixiyo khidmadda shahaadada oo ah $5.
Waqtiga Diiwaangelinta & Bixinta Shahaadada
16 September – 22 September 2026
Haddii aad buuxisay shuruudaha kor ku xusan, fadlan nagala soo xiriiri WhatsApp- +252 63 4784891
Mahadsanid
#jiilsom #shahaado #PixelLab
6 days ago | [YT] | 35
View 0 replies
Jiilsom
Youtube ayaa badalay habka uu u xisaabiyo views-ka
Laga bilaabo 24-ka Agoosto 2026, YouTube wuxuu hirgelinayaa nidaam cusub oo loo yaqaan "exposure-based model." isaga oo views u aqoonsan doona qofkasta oo daawada muuqaal hal frame (wax ka yar hal il biriqsi)
Yacnii muuqaalka hadii aad furto oo aad daawato hal ilbiriqsi wax ka yar waxaa uu kuu aqoonsan doonaa daawade,
FG: Nidaamkan cusub wax saamayn ah kuma laha dakhliga.
#Jiilsom #YouTubeSomali #YouTubeTips #TechSomali #DigitalSomali
1 month ago | [YT] | 58
View 1 reply
Jiilsom
📢 𝗖𝗔𝗡𝗩𝗔 𝗖𝗢𝗠𝗣𝗟𝗘𝗧𝗘 𝗖𝗢𝗨𝗥𝗦𝗘!
Ma doonaysaa inaad barato xirfadda naqshadaynta (Graphic Design) adigoo isticmaalaya barnaamijka ugu caansan uguna fudud dunida ee Canva? Madasha 𝗝𝗶𝗶𝗹𝘀𝗼𝗺 waxay idiin haysaa fursad dahabi ah oo aad ku baran karto xirfad dakhli kuu soo xerogelisa!
Inshallah waxaanu bilaabanaya koorso dhammaystiran oo si toos ah (𝗟𝗶𝘃𝗲 𝗖𝗹𝗮𝘀𝘀𝗲𝘀) laguugu bari doono dhammaan qaybaha kala duwan ee Canva, laga bilaabo heerka koowaad ilaa aad noqoanayso xirfdale dhamaystiran.
🎁 Hadyad Gaar Ah (Bonus): Arday kasta oo is-diiwaangelisa wuxuu heli doonaa Canva Pro oo bilaash ah (Free) inta ay koorsadu socoto!
💻𝐒𝐡𝐮𝐫𝐮𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐚𝐛𝐤𝐚 (Important Requirement): Si aad casharada si dhab ah ugu tababarto (practice), arday kasta waxaa ku waajib ah inuu haysto mid ka mid ah qalabkaan:
- Laptop ama Computer
- Tablet ama iPad
- (Fadlan Ogoow: Koorsadan looguma talogelin in lagu barto Mobilka/Phone-ka).
🚀 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐤𝐮 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚 𝐤𝐨𝐨𝐫𝐬𝐚𝐝𝐚𝐧?
- Samaynta naqshado kala duwan (Social Media Posts, Logos, Posters, Flyers).
- Habaynta muuqaalada iyo animations-ka kooban.
- Isticmaalka agabka casriga ah ee Canva (Canva Tools & AI features).
- Sida looga ganacsado xirfaddan (Freelancing & Client Work).
📌 𝗙𝗮𝗮𝗵𝗳𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗞𝗼𝗼𝗿𝘀𝗮𝗱𝗮:
- 🗓️ Taariikhda Bilaawga: Sabti, 15-ka Agoosto 2026.
- ⏳ Muddada uu soconayo: 4 Toddobaad (Weeks).
- 🖥️ Habka Casharka: Casharo toos ah (Live Classes).
- ⏰ Waqtiga Casharka: 06:00 AM ilaa 06:45 AM Subaxnimo.
- 💰 Qiimaha Koorsada: Kaliya $20 (Haddii aad hadda ka faaiideysato dhimista 20% ee Early Bird-ka, qiimaha caadiga ah waa $25).
👥 Boosasku waa xaddidan yihiin: Si loo hubiyo tayada waxbarashada iyo in arday kasta uu helo caawimaad ku filan, waxaan qaadanaynaa kaliya 15 ilaa 20 arday.
💳 Habka Lacag Bixinta (Zaad & EVC Plus): Waxaad lacagta ku soo diri kartaa nambarka: 063 4784891
📞 Is-diiwaangelinta u dambaysa: Haddaba, ha moogaan fursadan qaaliga ah. Si aad booskaaga u sii qabsato, nagala soo xiriir WhatsApp:💬 Ku dhufo halkaan si aad fariin toos ah ugu dirto WhatsApp-ka ( 63 4784891 )
1 month ago | [YT] | 45
View 1 reply
Jiilsom
🚀 𝗨𝗽𝗱𝗮𝘁𝗲 𝗖𝘂𝘀𝘂𝗯!
YouTube ayaa u oggolaatay isticmaalayaasha inay 𝗧𝗵𝘂𝗺𝗯𝗻𝗮𝗶𝗹 ku daraan muuqaalada 𝗬𝗼𝘂𝗧𝘂𝗯𝗲 𝗦𝗵𝗼𝗿𝘁𝘀.
Hase yeeshee, waqti xaadirka ah, update-kan waxa keliya arki kara isticmaalayaasha 𝗬𝗼𝘂𝗧𝘂𝗯𝗲 𝗗𝗲𝘀𝗸𝘁𝗼𝗽 (𝘄𝗲𝗯), halka 𝗮𝗽𝗽-𝗸𝗮 𝗬𝗼𝘂𝗧𝘂𝗯𝗲 aanu weli helin. Waxaa la filayaa in maalmaha ama toddobaadyada soo socda si tartiib tartiib ah loogu soo kordhiyo dhammaan isticmaalayaasha.
#Jiilsom #YouTubeShorts #YouTube #ContentCreator #TechNews
1 month ago | [YT] | 34
View 0 replies
Jiilsom
🚨 𝗚𝗼𝗼𝗴𝗹𝗲 𝗢𝗼 𝗦𝗼𝗼 𝗕𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝘁𝗮𝘆 𝗦𝗲𝗹𝗳𝗶𝗲 𝗩𝗶𝗱𝗲𝗼 𝗦𝗶𝗴𝗻-𝗶𝗻 – 𝗛𝗮𝗯 𝗖𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗢𝗼 𝗔𝗮𝗱 𝗚𝗺𝗮𝗶𝗹-𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗗𝗶𝗯 𝗨𝗴𝘂 𝗛𝗲𝗹𝗶 𝗞𝗮𝗿𝘁𝗼
Mararka qaar waxaa dhacda in qofku illoobo password-ka Gmail-kiisa, taas oo adkayn karta gelitaanka akoonka. Si arrintaas xal loogu helo, Google waxay si rasmi ah u soo bandhigtay adeeg cusub oo la yiraahdo 𝑺𝒆𝒍𝒇𝒊𝒆 𝑽𝒊𝒅𝒆𝒐 𝑺𝒊𝒈𝒏-𝒊𝒏.
🎥 𝐖𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐒𝐞𝐥𝐟𝐢𝐞 𝐕𝐢𝐝𝐞𝐨 𝐒𝐢𝐠𝐧-𝐢𝐧?
Waa hab cusub oo xaqiijinta aqoonsiga ah oo kuu oggolaanaya inaad iska duubto muuqaal gaaban (selfie video). Google ayaa markaas adeegsanaysa muuqaalkaas si ay u xaqiijiso inaad tahay mulkiilaha rasmiga ah ee akoonka. Haddii aqoonsigaagu sax noqdo, waxaad si fudud dib ugu heli kartaa akoonkaaga xitaa haddii aad illowday password-ka.
🔐 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐟𝐚𝐚'𝐢𝐢𝐝𝐨 𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚𝐲?
• Waxay sare u qaadaysaa amniga akoonkaaga.
• Waxay fududaynaysaa soo celinta Gmail-ka haddii aad illowdo password-ka.
• Waxay yaraynaysaa fursadda ay dadka kale ugu geli karaan akoonkaaga si sharci darro ah.
📅 Google waxay adeeggan si rasmi ah u bilowday 𝟮𝟯 𝗟𝘂𝘂𝗹𝗶𝘆𝗼 𝟮𝟬𝟮𝟲. Waqtigan xaadirka ah waxaa laga heli karaa waddamo kooban, waxaana la filayaa in si tartiib tartiib ah loogu fidiyo dhammaan dalalka adduunka.
#Jiilsom #Google #Technology #CyberSecurity #Gmail #ELearning
1 month ago | [YT] | 16
View 1 reply
Jiilsom
𝗙𝗮𝗰𝗲𝗯𝗼𝗼𝗸 𝗼𝗼 𝗦𝗼𝗼 𝗕𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗖𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺𝗮𝗱 𝗫𝗮𝗾𝗶𝗶𝗷𝗶𝗻 (𝗩𝗲𝗿𝗶𝗳𝗶𝗲𝗱 𝗕𝗮𝗱𝗴𝗲) 𝗼𝗼 𝗕𝗶𝗹𝗮𝗮𝘀𝗵 𝗮𝗵.
Facebook ayaa ku dhawaaqday adeeg cusub oo u oggolaanaya dadka u qalma inay si bilaash ah ku helaan calaamadda buluugga ah ee xaqiijinta (Verified Badge), iyaga oo maraya hab fudud oo Selfie Video Verification ah.
Adeeggan cusub ayaa looga danleeyahay in lagu xaqiijiyo akoonnada dadka dhabta ah, lana yareeyo akoonnada been-abuurka ah iyo kuwa ay AI-du samaysay, si loo ilaaliyo amniga iyo kalsoonida isticmaalayaasha Facebook.
Waxaa xusid mudan in adeegyadani aysan ahayn lacag ee ay tahay bilaash, sidoo kale lagaaga baahan yahay uun in aa muuqaal gacantaada iskaga duubto oo aa u dirto sharikada Facebook (Selfie Video Verification), hada waxaa adeegan lagu bilaabay dhowr wadan laakiin waxaa la rajaynayaa in dunida oo dhan loo fasixi doono waqti dhow.
La joog Jiilsom
#Jiilsom #Facebook #VerifiedBadge #Technology #SelfieVerification #Meta #DigitalNews
1 month ago | [YT] | 25
View 0 replies
Jiilsom
WE'RE COMING BACK!
Waxaan ka cudur-daaranaynaa muddadii aan idinka maqannayn. Waxaanu idinla wadaagi doonaa adeegyadii aad nooga barateen iyo kuwo kale oo casrisan oo aan rajaynayno in wax ka badali doonto xirfada ardayda iyo suuqa shaqada.
Waxaanan soo gelin doonaa usbuuckasta 2post. inshallah
1 month ago | [YT] | 56
View 3 replies
Load more