#News #Somalia #Wararka #degdeg #NBA #Youtube #movie #Live #Sportnews #breakingnews #animals #documentary #hardtalk #Hido #dhaqan


Halgan Media

Hi

10 months ago | [YT] | 0

Halgan Media

Xog : Qorshaha Kale Gedabuursi lala Maagan yahay Mooganaanta Reer Awdal.

Ciro Waa Munaafaq go'aankan XC inuu joojiyo iskama keenin ee xaalada oo ku xumaatay iyo Jabkale ayuu Gedabuursi iyo Ciise la maagan yahay nasteexna uma aha ee Qorshe halis ah oo ka daran ayey Ciro iyo Geeleh soo karkariyeen kahor ku dhawaaqista go'aanka

1.Nin qurbo-joog ah oo Beesha Ciise ah ayaa Hargeisa Jooga waana ninka ka haya file-ka 📁 kana shaqaynayaa Qorshaha Gedabuursi iyo Ciise la iskugu dhifanayo, waana ninka Hub-ka iyo Saadka uqaabilsan dagaalka xeebaha ee qorshaysan ee ay wadaan Ciro iyo Geele.
Ninkaas hada Hargeisa ayuu joogaa Team-ka Ciro ayey howlaha ka shaqaynayaan Magaciisa oo Saddexan iyo Sawirkiisa gadaal ayaan ka soo sheegi,doonaa 👀 Isha kuhay goordhow, Ciro iyo Geeleh waxay Qorsheeyeen Amarka Ciidamada Awdal lagu dhoobay waxaa lahaa Ismail oo danahiisa ayey fulinayaan Gedabuursi ayey aakhirka qaniimo u noqon.

2.Xalay ayaan idiin sheegay In odayaasha la soodiray maanta Mohamed Abiib hor-dhac u ahaa, waxaana ka danbeeya Odayaal ganacsato Isaaqa oo $10 Million wada Ina Aw-Saciid iyo Ina dahabshiil habeenadan abaabul iyo shirar ganacsato ka waday.

3.Qorshaha kale ee Hotel SAW, ka socon doona waa in ay Agen-daha ka dhigaan Ciise iyo Gedabuursi aan heshiisino Ila meerayso- ah.

4. 1 Dec 2025 waxaa Skylight Hotel Addis Ababa ku kulmay labada wasiir Ee Madaxtooyada SL iyo DDS Wasiir Khadar Iyo Madaxweyne Kuxigeenka DDSI Mr Ibrahim , wuxuuna Khadar si cad ugu yidhi Madaxweyne Ciro go'aanka ku dhawaaqi maaye Ahmed Yasin ayaa ku dhawaaqi weliba hadii xumaatana wuu is-casili anaga gadaal ka soo celinaynee warkaasi maku galay.

5.Maalintii Isniinta Dec 2025 Goobtuna Jigjiga waxaa iyagu kulmay Sirdoonka Ethiopia Ridwan Huseen iyo Hogaanka Teliska Herergee oo dhinaca iyo Taliyaha Ciidan ka Nimcaan Gaahnuug iyo Taliyaha Booliska SL Abdi-dheere Arimaha laga wada hadlay ujeedka kulanku wuxuu ahaa Ciro u sheega in uu Djibouti iyo Masar dhinaca xidhiidkooda ka fogaado.
Ciro Waa ka dhaga Adaygay oo Khamiis ayuu go'aankii Ismail fuliyey Ciro iyo Ethiopia waa kala dhinteen, dhanka kale Ciro Cagjar Badhasaab ah ayuu ku xidhan yahay Cagjar-na talo kama go'do.

Talo: 1. Waxaa Soomaalida dhexdeeda waxaa laga cabsadaa ninkii Awoodleh, uunbuu la Ixtiraamaa sacaboolay loojoojin maayo, Ciro go'aankiisa waxa bedelay Dhiiga iyo dhuuxa u daatay Masiirka Gedabuursi ee maydku Talaagadaha rasaysan yahay ee maaha baryo kuwii shalay Hargeisa ku yidhi Ciro La idiin joojin maayo sideen masiirkeena ugu aaminaa ? Jawaabteeda idinka idiinka fadhiyaa.

3. Arimaha Siyaasada Isbaahaysiga Cagjar , Ciro iyo Geeleh Sidaan u soo Afjari lahayn waa noo diyaarsan yahay waanad arki doontaan Cid iskaashi ka maarsantaa ma jirto taas kahor dhici maayo 👀.

2. Gedabuursi kala dano ah ayaa Hotel SAW ku balansan ee maaha ku Masiirka umadda daacad ah,Team Maxamuud Xaashi daniihisa dhexmarsanayo iyo Team danaha Ciro ka shaqaynaya hadaan Carabka kudhifto Garxajis iyo Habarjeclo ayey Siyaasi iyo dhaqanba carbis u yihiin.

F.G: Xaalad-dagaal ayaan kujirnaa Hadii Gedabuursi Jufo-kastaa ugu yaraan 400 Nin samaysan waydo saanad iyo saadkaba Qurbo-joog toodu taageeri waydo waxaad Arkaysaan inaad Degmada Borama hareeraheeda Djibouti Security (Buffer zone )ka dhigan waydo waxba ha iga qorina Waakaas aamin male Ethiopia 🇪🇹 Kuwacad furay Teanka Egypt 🇪🇬 raacay. Imikaan ka Hafeetay

Wabillahi Towfiiq....
Mukhtar Ali Aden

10 months ago | [YT] | 0

Halgan Media

Jumca Wanaagsan

11 months ago | [YT] | 0

Halgan Media

Somaliland's Fake Medicines Are Dangerous & Against Your Health ( Abdi-Shotaly).

Fake medicines can be counterfeit, contaminated or mislabelled. Don’t take the chance.
Rather than making you better, some medicines can in fact be bad for you. Whatever your illness, it’s important to get your medicines from a regulated source.

This applies to all types of medicines for all types of conditions, but has taken on a new dimension with the outbreak of illnesses.
With demand for personal protection and hygiene products growing exponentially, criminals are seeking to make a profit by selling substandard or counterfeit items such as surgical masks.

False claims abound of medicines which can protect against, or even cure, the virus. But when purchasing these, you do not know what sort of medicine you are actually receiving or if it is safe to consume. What sounds like a cure could actually be harmful to your health.

What are the risks?
Fake medicines can be dangerous for a number of reasons. Perhaps they have been falsified or deliberately mislabelled. Illicit medicines often contain the wrong amount of active ingredient (too little, too much, or none at all). Some fake medicines have been found to contain mercury, arsenic, rat poison or cement.
In other cases, the medicines may be genuine but have been stolen and then badly stored or may have expired. This means they could be ineffective or contaminated.

What products are affected?
A wide range of products are affected, including:

Products and medicines related to cancer, different mosquitoes ilnesses including disposable surgical masks, hand sanitizers, antiviral and antimalarial medication, vaccines diseases,
'Lifesaving medicines' such as those used to treat cancer, malaria, HIV and other serious illnesses;
‘Lifestyle' medicines, such as erectile dysfunction and weight loss medicines;
Medical devices ranging from contact lenses to condoms; syringes to surgical instruments; and wheelchairs to radiotherapy machines.
How can we spot fake medical products?
Counterfeit medicines are often packaged to a high standard with fake pills that look identical to the genuine ones. Sometimes a laboratory test is the only way to identify the difference.

It is essential to take care when buying your medicines, especially from profit seekers..
Look out for the
Place - Never buy medicines from unknown from fake mefical chemists or in a marketplace.Buy medicines only from licensed suppliers who display an authenticity certificate. If you are unsure about a supplier’s credentials, check the list of registered dispensaries at your local health regulatory body. This applies to suppliers both online and offline.
Prescriptions - Only buy medicine that has been prescribed by your doctor or healthcare professional.When buying online, make sure the website requires you to present a prescription. Do not buy from websites that offer prescriptions on the basis of questionnaires or do not have a contactable pharmacist.
Promises - Be wary of pharmacies that offer “too good to be true” promises. False promises to watch out for are “cures all types” of a major illness, “money-back guarantee”, “no risk” or “limited supply – buy in advance”.
Price - Check the price against products you usually buy or with reputable providers. If it is substantially cheaper, it is likely to be a fake.
Privacy - Do not supply any financial information to a website, unless you are sure it has a secure
*N.B Be Well Aware Of Your Healthy.
Abdi-Shotaly.

1 year ago | [YT] | 1

Halgan Media

Somaliland's Fake Medicines Are Dangerous & Against Your Health ( Abdi-Shotaly).

Fake medicines can be counterfeit, contaminated or mislabelled. Don’t take the chance.
Rather than making you better, some medicines can in fact be bad for you. Whatever your illness, it’s important to get your medicines from a regulated source.

This applies to all types of medicines for all types of conditions, but has taken on a new dimension with the outbreak of illnesses.
With demand for personal protection and hygiene products growing exponentially, criminals are seeking to make a profit by selling substandard or counterfeit items such as surgical masks.

False claims abound of medicines which can protect against, or even cure, the virus. But when purchasing these, you do not know what sort of medicine you are actually receiving or if it is safe to consume. What sounds like a cure could actually be harmful to your health.

What are the risks?
Fake medicines can be dangerous for a number of reasons. Perhaps they have been falsified or deliberately mislabelled. Illicit medicines often contain the wrong amount of active ingredient (too little, too much, or none at all). Some fake medicines have been found to contain mercury, arsenic, rat poison or cement.
In other cases, the medicines may be genuine but have been stolen and then badly stored or may have expired. This means they could be ineffective or contaminated.

What products are affected?
A wide range of products are affected, including:

Products and medicines related to cancer, different mosquitoes ilnesses including disposable surgical masks, hand sanitizers, antiviral and antimalarial medication, vaccines diseases,
'Lifesaving medicines' such as those used to treat cancer, malaria, HIV and other serious illnesses;
‘Lifestyle' medicines, such as erectile dysfunction and weight loss medicines;
Medical devices ranging from contact lenses to condoms; syringes to surgical instruments; and wheelchairs to radiotherapy machines.
How can we spot fake medical products?
Counterfeit medicines are often packaged to a high standard with fake pills that look identical to the genuine ones. Sometimes a laboratory test is the only way to identify the difference.

It is essential to take care when buying your medicines, especially from profit seekers..
Look out for the
Place - Never buy medicines from unknown from fake mefical chemists or in a marketplace.Buy medicines only from licensed suppliers who display an authenticity certificate. If you are unsure about a supplier’s credentials, check the list of registered dispensaries at your local health regulatory body. This applies to suppliers both online and offline.
Prescriptions - Only buy medicine that has been prescribed by your doctor or healthcare professional.When buying online, make sure the website requires you to present a prescription. Do not buy from websites that offer prescriptions on the basis of questionnaires or do not have a contactable pharmacist.
Promises - Be wary of pharmacies that offer “too good to be true” promises. False promises to watch out for are “cures all types” of a major illness, “money-back guarantee”, “no risk” or “limited supply – buy in advance”.
Price - Check the price against products you usually buy or with reputable providers. If it is substantially cheaper, it is likely to be a fake.
Privacy - Do not supply any financial information to a website, unless you are sure it has a secure
*N.B Be Well Aware Of Your Healthy.
Abdi-Shotaly.

1 year ago | [YT] | 0

Halgan Media

Maxaan Kala Kulmay Socdaal-kayggii S/Land ( Abdi-Shotaly).

Waxa si weyn uga codsanayaa akhrista-yaasha in dhamays-taan maqaalkan dheer, taas oo uu ku ogaan doono wax-yaabo ka dedednaa, waana kan ee iga qabta:-

Akhristaw, imika mudo 7 cisho ah, waxan waday wixii aan kala kulmay S/Land, haddii ay dad ahaan tahay, nolosha xasaasiga, sidda muceeshadda, daawooyinka, shaqadda iyo qaybaha ay bulshadu u kalka baxday, iyadda oo maamulkii meesha ka tegay uu qaybo u kala soocay, taas oo uu u kala saaray 3 qaybood,oo mid-ba ka kale uu sii bakhti-wareemaayo, waxana ay kala yihiin sidatan:-

(1) Ganacsato dhiig miirad ah, qaybtan waxa ka mid kuwa is-gaadhsiinta ee SOMTEL, TELESOM, ina Aw Saciid, kuwa wershadaha laydhka leh, iyo wax soo saarka iyo qaar kaloo badan, oo iyana raashinka keena, oo aan cid-na naf u hayn, oo xundhurta ka xoqonaaya, maamulkii meesha ka tegay-na uu lacag uun ka guran jirey, laakiin aa. Dalka iyo dadka mid-na aan naf u hayn ee ka shaqaysan kuwaas oo dhamaan-tood gacanta ku hayyey qandaraas kasta oo ka soo baxay, iyadda oo uu maamulkii askarigu uu qayb ku lahaa ( share holder), ummadda waxa loo keenaana ay tahay wax dhacay haday yihiin raashin iyo dawo-ba, weliba ay ummadda u sii sheer tahay socir-barar xadh-kaha goostay,

(2) Qaar siyaasiyiin sheegta, oo iyaku af-miishaarnimo ku dilaalla jirey maamulkii dhacay, iyana ah calooshood u shaqsusta-yaal ka faa'iidda isku dirka ummadda iyo kolba waxa taagan, kuwaas oo meela-haas ka makara-foonka la wareega, kolba-na xubi u wareega, ujeedo kale aan lahay ee ah xil Iyo Xoollo doon, waa kuwo afkii ka waynaaday, oo xaal-koodu yahay maxaanu cunaa, maxaanu liqnaa, maxaanu dhuunta marina,, qaar-kood waa kuwii uu maamulkii laba askari ay i fureen " Ururadda" ee dhacay, ilayn askartii baa dabadda ka waday si ay ugu wax yeeleeyaan " Waddani", imikana hudheeladda Hargeysa kaafiga ku caba ( coffee drinking), waxay isku maaweeliyaan in ay yihiin qaar bello ka dhacday, oo markay wax-yar oo basiid ah arkaan bay qayllo ka wadhaan si loo yidhaaho " Siyaasi Hebel baa wax sheegay" kuwaasina waa noocaa.

(3) Qaybtani iyana waa qaar ku noolaa maamulkii meesha laga eryey, oo nooc walba leh, wax ku jira Kuwo sita cumaamado sidda
(a) " Sabeeye, Denbi Madaw, Maki xaaji Banaadir, shaydaan Habaar, Suldaan qabiile, Gudi Baasto oo reer kasta hir boodaysa.
(b) Shaqaalihii dawladda oo ay qaar-kood ama intooddii badnayd ( waa maamulkii askarta'e) ay isku hakayn waxay doonaan kacayeen, imika-se shaqaala-haas waa laga raystay intii uu maamul-kani yimi, oo way baqaan, waayo musuqii xadh-kaha goostay ee ay ku takri'-falayeen hantidda ummadda baa mersha ja baxay, oo la xadiday.

(C) waxa jirta qayb laga jaray wixii ay u barteen oo ay welfeen, kuwaas oo keli ku ahaa in lagu naas-nuujiyo hantidda ummadda, si ay been ugu taageeraan, akhristaw noocii cayn-kaas ahaa waa kuwa dariiq-yadda Hargeysa taayiradda ku guba, markay waayeen wixii ay ka heli jireen maamulkii laga adkaaday, waxana ay weli isku deyayaan, in ay hab qabiilku turjumaan, oo yidhaahaan reer baa loo jeedaa, taas oo wax jira aan ahayn, laakiin af-gobaadsi ah, xaqiiq-duna ay tahay, in reerka ay doonayaan in ay magaciisa ku helaaan wixii laga jaray, laakiin-se uu maamul-kanyahay reerka ugu badsaday dhanka dawladan Cusub.waxay-se rabaan malaha wax ku kiciya maamuljan oo mijo xaabiya, iyaka oo koox yar ah, kana dambeeyo askariggii meesha khasbka lagaga qaaday.

Ugu Danbayn Iyo "Gebo-Geboddii"

Waxan kula dardaarmayaa Maamulka Cusub ee ay Hogaaminayaan " Gudoomiye Walaaleeye ( Waa Xirsiye) iyo Madax-Weyne Cirro" inkasta oo meel faaruq ah, la dhacay iyo amaaho aan xad lahayn la idin-kaga tegay, oo xafiisyo bilaa kurassi ah la idinku wareejiyey, hadana ilaa imika si wacan oo wax-tar leh baad wax u Wadaan, oo miyir qabta wixii aan ku qancayn ee aan kelgay noolaado ahi waa yeelja-dood, waxa-se imika idiin yaala dhawr arimood oo ay tahay si dhakhso ah wax uga qab-taan. Waxan ku dabarayaa maqaalkan siddan:-

Waxa la yidhi " Dhicisku inta birta inta birta loo soo sidoo buu bakhtiyaaye"

Waa in aad deg-deg wax Uga Qabataan xaajooyinkan hoos Ku Qoran oo aad kaantarooshaan ( Controlling the following points:-
Waa In Loo Sameeyaa Hay'yad Isku-Duba-Ridda Maamulka waxan dadkii ka dhigay in jiifta, dhimatay iyo in aan wax-ba ku noolayn ee kala ah:-

(a) Sicir Bararka,
(b) Laydhka
(c) Biyaha
(d) Raashinka Dhacay Ee La Iibinaayo
(e) Dawooyinka Been Abuurka Ah Ama Dhacay Ee Ummaddii Dhameeyey.
(f) Dalkii oo ay Itoobiya daxal wareejisay, muwaadiniintii oo shaqo la' iyo Oromo iyo Axmaaro ina Qabsatay, iyana waa in uu maamulku si dhakhso ah u faro-geliyaa.
(g) Hay'yadaha sama falka ee loogu tallo galay dan-yarta caawiyaan, iyaka baa xoolaha qaybsadda, mana jirto wax ay qabtaan, iyana waa in arin-toodda si dhab ah ay Xukuumadu u xadaysaa si ay caawimadu u gaadho dadka dhabta ah ee loogu tallo galay.
(h) Waa in la shaqo geliyo dadka u dhashay, oo laga saaraa kuwan ka yimi Itoobiya, waayo haday sidan ku socoto, dhawaan dalku wuxu u gacan gelayaa Itoobia.
(i) Waa in dhalin-yaradda la shaqo geliyo, kuwii jaamacadaha ka baxay baa suuqa taagane.
(j) kuwa ugu daacad--sani Waa haweenka ee waa in laga geliyaa maamulka haddii ay tahay Wasaarad, Hay'yad, wakaalad iyo gudiyadda nooc kasta oo ay tahay-ba.

Waad Mahadsan Tihiin.

*N.B Hadal Waa Run Kama Rayste, Ee Beenay Nasiibkaa!
Abdi-Shotaly.

1 year ago | [YT] | 2

Halgan Media

Daawooyinka beenta ah ee Somaliland.
( Cabdi-Shotaly).

Soo saarista dawooyinka aan tayadoodu wanaagsanayn iyo kuwa been abuurka ah waa dhibaato aan la soo koobi karin , gaar saamaynaysa wadamada faqiirka ah oo ay ka mid tahay Somaliland. Waa sabab muhiim ah oo keenta cudurada, dhimashada, iyo luminta kalsoonida dadwaynaha ee daawooyinka iyo qaababka caafimaadka. Baahitaanka dawooyinka been abuurka ah ayaa u muuqda oo aan laga hor iman wada shaqayn dhow oo dhexmarta ganacsatada soo dejisa dawada, dawladaha, ama hay’adaha caalamiga ah ee ay khusayso ganacsiga, caafimaadka, kastamka iyo alaabaha iyo lacagaha been abuurka ah.

Baaxadda dhibaatada:

Waxaa lagu qiyaasaa in ilaa 25% dhammaan dawooyinka la iibiyo ay yihiin kuwa been abuur ah, waxaana qaybo ka mid ah Afrika iyo Aasiya tiradan ay kor u dhaaftay 50%.
Kiis gaar ah oo halis ah ayaa ku lug leh noocyada been abuurka ah ee bevacizumab (Avastin), oo ah dawada la dagaalanka kansarka. Soo saaraha Avastin, Roche, ayaa ku wargaliyay dhakhaatiir bishii Febraayo 2012 nooc been abuur ah oo bevacizumab ah oo ay ku jiraan milix iyo istaarij, laakiin aan ahayn qaybta firfircoon ee daawada.
1 Tusaalaha kale ee khatarta daawooyinka been abuurka ah ee Maraykanka waa kiis been abuur ah oo heparin khafiifiya dhiigga. Xaaladdan oo kale, walaxda firfircoon ayaa lagu beddelay walax ka jaban
taas oo keentay in bukaannada ay yeeshaan falcelin xun waxayna keentay dib u soo celinta heparin ee waddanka oo dhan. Daawada, oo walaxdeeda firfircoon ee been abuurka ah ay ka timid Shiinaha (Isha ugu weyn ee been-abuurka),
ayaa looga shakisan yahay inay tahay sababta ugu badan ee dhimashada 81. Saamaynta bukaannada ayaa cad: been-abuurka ayaa dili kara.

Ka hortagga dawooyinka been abuurka ah ee Somaliland soo gala waa ay adag tahay, sababtoo ah in ku dhow dhammaan dawooyinka waxa lagu sameeyaa dibadaha, waxaana si toos ah Somaliland u keena shirkado wadani ah, waxaana la yaab leh in aanay dawooyinkaasi marin baadhis sax ah iyo hubin tayadooda.

Arrimaha macaamiisha: Saamaynta waxyeellada leh

Bukaanku waxay la kulmi karaan dhibaatooyin kala duwan isticmaalka dawooyinka been abuurka ah. Xaaladaha kala duwan waxay ku xiran yihiin maaddooyinka ka kooban daawada been abuurka ah. Dhacdada koowaad waa daawo been abuur ah oo aan ku jirin wax firfircoon ama aan lahayn maaddooyin waxyeello leh.
Marka laga hadlayo dawada been abuurka ah ee aan lahayn walxo firfircoon, daawadu way ku guul daraysatay inay ka caawiso bukaanka si uu u fiicnaado, taas oo ugu dambeyntii waxyeelayn karta bukaanka. Xaaladda antibiyootiga, tusaale ahaan, tani waxay kor u qaadi kartaa iska caabbinta antibiyootigga iyo isticmaalka antibiyootiga xooggan, sababtoo ah takhaatiirta waxay aaminsan yihiin in dawada koowaad aysan shaqeyneynin, iyaga oo aan ogeyn in bukaanku uu qaatay daawo been abuur ah.

Dhacdada labaad ayaa ah in dawada been abuurka ah aysan lahayn wax firfircoon oo laga yaabo inay lahaato wax kasta oo maaddooyin waxyeello leh, oo ay ku jiraan biyaha bakteeriyada leh, rinjiga jaalaha ah ee sunta ah, dhuka sagxadda, dheeha midabka leh, sibidhka budada ah, boric acid, iyo barafka. In ka badan 500 oo carruur ah oo adduunka ah ayaa u dhintay sharoobada qufaca been abuurka ah oo ay ku wasakhowday ethylene glycol (ie, antifreeze). Xaalad kale, daawada neefta been abuurka ah ee loogu talagalay daaweynta cystic fibrosis ee carruurta ayaa la ogaaday inay ku jirto bakteeriyada wasakhaysan oo si toos ah u gashay sambabada carruurta aan la garanayn. Kiis kale ayaa ku lug lahaa bukaanada qaba kansarka kuwaas oo isticmaalay erythropoietin, kaas oo daawada faalsada ah ee faleebada lagu qasi jiray biyo wasakhaysan oo bakteeriyada si toos ah loogu durayo bukaanka.

Kiis kale oo ku lug leh dawo been abuur ah oo ka kooban feejignaan khaldan ama qiyaas khaldan oo daawada ah. Mid ka mid ah tusaale ahaan tan waa kiis dhakhtar oo la siiyay nooca cilmi-baarista ee onabotulinumtoxinA (Botox) oo aad uga xoog badan dawada dhabta ah, oo aan loogu talagalin isticmaalka bini'aadamka. Tani waxay keentay naafo neefsiga oo ku dhow dhimasho bukaanno dhowr ah, oo uu ku jiro takhtarkii isticmaalayay laftiisa. Guud ahaan, daawooyinka been abuurka ah waxay abuuraan hubanti la'aan, jahawareer, iyo shaki ku saabsan qiimaha daawada dhabta ah waxayna keeni kartaa isticmaalka beddelka, daawooyinka aan la rabin ama daaweynta.

Talo-soo
-jeedin Ku Saabsan Sida Loo Yareyo Been Abuurka Daawada

In la kordhiyo wacyiga dadweynaha.
Hagaajinta maareynta silsiladda sahayda
Dalbo ganaax iyo xukun xabsi ah dadka lagu helay dambiyada dawooyinka been abuurka ah
Dalbo ciqaab takhaatiirta iyagoo og siinaya ama u qoraa dawooyin been abuur ah bukaankooda
Hagaajinta iskaashiga dawladaha shisheeye ee arrintan ku saabsan
Hagaajinta xakamaynta tayada
Samee isticmaalka tignoolajiyada si loo raadiyo loona raad raaco dawooyinka been abuurka ah
Ka iibi sahayda dawooyinka kaliya kuwa shatiga leh

Gabagabo

Xallinta dhibaatada dawooyinka been abuurka ah waa muhiim si loo hubiyo in bukaanku uusan lumin kalsoonida faa'iidooyinka dawooyinka oo ay noqdaan kuwo aan u hoggaansamin daaweyntooda. Fidinta internetka, iyo adkaanta xakamaynta alaab-qeybiyeyaasha daroogada ee internetka, ayaa si weyn u kordhisay iibsashada macaamiishu ee daawooyinka been abuurka ah. Xakamaynta helitaanka dawooyinka been abuurka ah ma fududa, laakiin waa lama huraan, marka la eego arrimaha caafimaadka bulshada ee baaxadda leh ee khuseeya dawooyinka been abuurka ah, kuwaas oo waxyeelo u geysan kara dadka.
* Xanuunka N.B lama daawayn La'aanteed.
*

Cabdi-Shotaly

1 year ago | [YT] | 1

Halgan Media

Maxay Kala Qabteen Waddani Iyo Qudhmiye Q.1aad ( Abdi-Shotaly).

Halkan waxan ku soo gudbinayaa maqaal 2ba qaybood ka kooban, ka hore waa wax qabadkii 2da askari, qaybta 2aad ee berina waa maamulkan " Wadda-Jir Iyo Wax Qabad, ee si wacan u dhamayso, si ay wax kuugu kala cadaadaan.
Akhristaw haddii wax la isu qirayo oo aan baroorta iyo beenta iyo iyo xoolo cic-doonka aan sal iyo raad lahayn oo aan lagu qarinayn xaqiiq-dda ina hor taalla, ma jirto haba-yaraatee wax uu maamulkii 2da askari ee qudhmiye ay qabteen, haddii uu qof hayo ha soo sheego meel ay irbad dun ka geliyeen, oo aan ahayn si dan hoos ku qoran, oo si cad hawgu qeexo ummadda way u fadhidaaye.

Hees uu sameeyey Abwan bees, oo ay qaaday " Ugabaad Aragsan" Wakhtig ololahii doorshadda,baa waxa murti-deedda ka mid ahaa:-

* (1) " 7 Sano ood hor joogtay, wax qabad lagu soo hirtiyo, hal erey ood ku faanto, markaad heli wayday yaabka, humaag been aad abuurtay, mar baad horror guud ka fuushay, dhiiqaad ka dhex heestay maalmo, markuu dadku kugu hungoobay. Ayaad hayba gaar u soocday, hurin-ba gaar baad u saartay, walaallo dhabaa is hiifay,
Dhex-taal ay u ahayd : ummadu hadda kuuma jeedo, is-bedel loo wadda hayaamay, ka guure halkaad ogayde ( waa Qudhmiye'e) Hogaan-kuun noo wareeji, huleel cod-ba kuuma haynee.
* (2) Hankiyo rajaddii dad-keenu, kun jeer bay halis galeene, hadaan hadaf-kaagu maal, hantiyo dhul baloodh ahayn, bulshadda hiil ka sugeysay, habeen badh ma weerar-teene, intaad beero haybi-naysay, ku haystay maati buuro, dalkii baad gebi hilmaantay, badh baad goboldii halaysay, hal-doorkii maad dhagaysan. Waxa raacsan shex-taalka aan sare ku qoran, sidaas awgeed ruuxa waa wax kama jiraanaw, bal sheeg waxa aad ku beeni-naysid, iyaba waa yaabe.

Horaa loo yidhi " Qof dhoohani dhego malaha'e" Muwaadin hees-tani waa qiraal waadix ah hadaan indha isku qabasho iyo xoolihii aanu cuni jirney ahayn, ilayn kursiga aabohiin kama aydin dhaxline.
Markaas baad weliba ciiro iyo siigo iyo boodh ku soo gabanay-saan ay munaafaqadi ku hoos jirto aad la wareegay-saan oo doonaysaan in aad isku qarin-saan aan meel daliil loogu haynin.

* Waxa kaliya ee loo tirayaa maamulkii 2da askari, waxay ahayd " Tallo-ba canaadka baan ka aqaan, been iyo Cirraa ciidan ka keenay xamar u isagu lacagta siiyo, isku dir, kala dil, kala qaybi oo xukun, isu-bahalo geli, iska hor keen, kala eri oo yey is-aaminin, dhul boob, xatooyo si joogto ah laga buux-saday hantiddii ummadda, dalka si waca looga shaqaystay, lagana fara qabsaday xoolohii ummadda iyaka oo ummadu silicone, haraad, gaajo ay ku baadhay, weliba iyadda oo sidaas ah ay ahayd, baa misna imika beerka dhulka lala dhacayaa, oo ooh inta ilamadda lala qubayaa. Waxaas oo dhami wax kale u dhici maayaan ee waa wixii aanu baranay ee xaaraanta ahaa maxaa nalooga jaray, ummad yahay, halkii ay iskula yaabi lahaayeen, ee ay dib u fadhiisan lahaayeen, bay weliba iyakii soo fardo cad yihiin. Waxan ku soo xidhay qaybtan 1aad, dib loo heli maayo wixii la idiin xadi jirey, bal cirka soo dumiya hadaad wax isla haysaan, ma jirto qudhmiye xukunka dob ugu soo noqonayaa, haday wax idiin tarayso Jabhaddii keega ee " Deeqa-Afro " Dib u soo bilaaba bal waxaad ku qaadaan, maanta maaha wakhtiggii " Maryo-Allool.
La Soco Q.2aad.

* Qof Dhoohani Dhego Ma Laha
Qore:- Abdi-Shotaly

1 year ago | [YT] | 2

Halgan Media

Sheeko Dhex Martay Trump, Askariggii Tegay, Xasan Sheekh Iyo Ismaaciil Cumar Geelle ( Abdi-Shotaly).

* Askariga:- Trump waxan ku idhi, heshiin maayaan qudhmiye, oo 2-ba garab oo beello ah bay u kala fadhiyaan, aniga bay igu heshiin karaan in aan dib isu soo sharaxo, ee ha "Ictiraafin" S/Land intaan dib u soo noqonaayo, haddii aniga, Al-Shababland iyo jabuuti ma jiri doonaan, ee waa in aad i sugtaa, dagaal baan ku qabsanayaa, 34 sano baanu sidaa ku wadnay, imika-se si aad u xun baanu u kashifanay oo naloo garaacay, dagaal iyo wareerin baanu ku ridaynaa, aan hoosta ka wado'e, ha iga deg-degin ee i sug baan u sheegay, Mr Donald Trump, umase malay-naayo in uu keligay iga yeeli doono, haddii aynaan is garabsan.

* Xasan Guur-Guurte:- Hadaad tahay Madax-weynha USA, waan ku baryayaa, oo cagaha baan ku haystaa ee ha aqoonsan S/Land, Al-shabab baa na qabsanaysee, oo sidaas ha saymayn, waanu baaba'aynaaye, minfad-ladak naga qalee, oo jooji " Ictiraafka". Waa in aan dhamaan isugu oo dagaal adah isku hor taagnaa arintan haddii kale mid-keena jiri maayo.

* Donald Trump:- Anigu idin ma aqaan, haddii aad tihiin Askariga S/Land hor joogaha ka ahaan jirey, lyo kaagan Villa Somaliya aan xukumin, meel kale iska daaye xataa "Xamar" hore baad wakhtiga uga lumiseen reer S/Land, iyo USA oo dhaqaalihii aan Aragi-xisadda ugu tallo galay aad jeebka ku shubatay, sidaas awgeed, waan kaa jaray dhaqaalihii amniga aanu ku bixin jirney, ee aad kala xadi jirteen.

*Ina Cumar Geelle:- Aniga maantay iigu daran tahay, oo jabuuti dib-dambe loo maqli-maayo, arag-na hadal-kiisa daaba haddii laygu " Ictiraafo " S/Land, taas oo hoogayga ah. Waxan ka codsanayaa Askariggii iyo Guuri-Guurtihii inan-taydda isi siiyey, in aad ka dagaalan-taan waxa uu wado Donald Trump, waayo waxan ku noolahay Dekedaas oo keliya, sidaas awgeed haddii la aqoon-sado S/Land meesha waxa ka baxaya "Dekedda Jabuuti" oo bakhtiga baa noo xalaal noqonaaya, Askari-guna dib xukunka hawgu soo noqdo, si uu u burburiyo, maamulka daacadda ah u ah dad-kiisa ee inaga dhex kacay, tallo kale ma leh ee waa inoo dagaal soyaasadeed iyo mid ciidan-ba. Waayo wax-ba inooma hadhin kale oo aynu sii eeganaa.
* N.B Qof Gala Bad-Weyn Isagoon Dabaal Baran, Biyahuu Ku Raftaa.
Abdi-Shotaly.

1 year ago | [YT] | 1

Halgan Media

Waa Lagu Digtaa Ruux Haduu Kuu Daraan Jiraye ( Abdi-Shotaly).

Gabay uu lahaa Cabdi Gahayr ( Alle haw naxariisto'e), baa waxa ereya-diisa ka mid ahaa " Cuqubadu Halkii Lagu Galay, Caw Ku Hurudaaye, Caruurtay Ka Laysaa, Ninkii Caano Baas Dhama'e" Akhristaw waa dhab, nin kasta oo wax is biday wax aanu ahayn, oo awood u sheegatay xaq-darro ah dad uu maamul-kiisa hoos joogay, kula kacay dil, xaaqid iyo xasuuq, isku dir, guntiga hanti boob umadeed ku xantoob-saday oo aan wax uu xeerinayaa haba-yaraatee jirin, weliba ku sii fardo-cadaa, ku sameeyey cadaalad xumaan badheedh uu ula kas iyo yaa wax iga qaadi kara mar hadaan anigu imaam ka ahay salaadda siyaasadda ee qudhmiye, ee ayaamo siddii awr qooqay, xumbadda qawlaladda ka tuura, akharistaw ka noocaas u dhqama, waxa ka daba yimaada maal-mihii kibir jebin jirey, kuwaas oo karbaash aanay filayn ku garaaca, waana ta imika haysata wixii la odhan jirey " Qudhmiye" Ee ay wadda walaaqan jireen 2ddii Askari ee " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo-Shaaximani " hoos ka akhri daliil-kooddii waa tane.

Waxa murti hore ahaa " 2da Xaq-daraadda ku heshiiyaa, xaqay isku dilaane" maanta waxay fiintu dhex miranaysaa labaddii Askari, ee ku wadda socday burburka, baaba'a ummadda S/Land iyo wanjalaa-deedda. Kuwaas oo ah kuwa S/Land ay raaf ka riixi wayday ilaa iyo xataa markay Jabhaddii SNM ay ahayd, iyaka oo Calan-Cas iyo Calan-Cad u kala jebiyey, kuwii cayn-kaas ahaa ee xaaraanta u kala fadhiyey, baa hadeer isku jiq ah, laba garab u kala jabay, oo la rabaa in Geenyo-Shaaximani dabadda laga laado, oo kii uu hoos fadhiyi jirey, uu si wacan uga soo hor jeestay waa " Raggii ma adigaa ka hadhaye" Muwaadin, Gabay kale waxa ku ahaa " Nabsi-gaad gashaa waa dambuu, kugu gadoodaaye" imika bay fiintu dhex miranaysaa, oo xaalku marayaa " Qudhmiye Anaa Xukuma iyo maahee Kaalay iga qaad". Nin-ba wax is mood, cuqubaddii soo baxday, qudhmiye-na burbur-kiisa iga dheh.

Naxariisi korkiisa ha ahaatee, Waxa Cali Dhuux laga hayaa murtidda cinwaanka sare ku qoran, isaga oo u jeedda Ina Cabdale Xasan " Waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jiraye, bal dayaay, wadaadkii wa-kaas sii dabay-shadaye" Ujeedo iyo haatan, waxan uga jeedaa, 2ddii Askari iyo koronko-radddii ummadda iyo beelaha ay u adeegsan jireen, waxay u kala dilaaceen, oo imika baa wakhtigu ka hor yimid, seeftii nabsigu ku janjeedh-satay, gaar loo eryanayaa Geenyo-Shaaximani, oo Gudoomiye magac-u--yaala ku carabawnaa, laakiin Raggii ma adigaa ka hadhay uu run ahaan uga talin jirey. Geenyo-Shaaximani oo is ogaaday goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, baa isna yidhi, " Haddii aan sidan rabay waayey, qudhmiye jar ka sii tuur' isaga oo joojiyey shir uu qudhmiye yeesho" askariggii kale " Raggii ma adigaa ka hadhay" Baa isna dhan-kiisa yidhi " Ma jiro shir dib u dhacyaa, oo anaa kharashka bixinaaya" waxan loo kala baxay, laba Garab oo aan is marayn, ee waxa aynu sugnaa-ba waa " Qudhmiye Oo Maray Dariiqii Ucid Iyo Udub" ee akhristaw ila dhawr.
*N.B Labadda Xaq-Darradda Ku Heshiiyaa, Xaqay Isku Dilaan.
Abdi-Shotaly.

1 year ago | [YT] | 2