Madari Podcast waa madal waxbarasho oo wacyigelin ku dhisan, kana shaqaysa soo saarista podcastiyo tayo sare leh, dooddo, falanqayn iyo barnaamijyo bulshada anfacaya, madashu waxay diiradda saartaa waxbarashada, hoggaaminta, dhaqanka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
مطري بودكاست هي: منصة تعليمية ومجتمعية تهدف إلى تقديم الحوارات النوعية والنقاشات التحليلية وبرامج التوعية الهادفة، بما يسهم في نشر المعرفة وتعزيز الوعي وخدمة المجتمع الصومالي بصورة إيجابية وبناءة
Madari Podcast is an educational and community-oriented media platform producing high-quality interviews, analytical discussions and awareness programs focused on education, leadership, culture and positive social development across Somali-speaking communities.
Contact: madaripodcast@gmail.com
Madari Podcast
Daawadayaasheenna YouTube, Madari Podcast waxaad hadda sidoo kale ka dhegaysan kartaan Apple Podcasts, Spotify, Amazon Music, Castbox, Deezer iyo baraha kale ee sawirka ka muuqda.
App-ka aad doorbidayso ka raadi Madari Podcast, kuna dhufo Follow.
Waad ku mahadsan tihiin daawashada, dhegaysiga iyo garab istaaggiinnaba.
#MadariPodcast #PodcastSoomaali
1 day ago | [YT] | 251
View 5 replies
Madari Podcast
Madari Podcast, waxaa marti inoogu ah Ali Jama waxaynu kala sheekaysanaynaa caqabadaha isbeddelka, cabsida fashilka, dib-u-dhigashada iyo joogtayn la’aanta.
Waxaynu sidoo kale eegaynaa sida tallaabooyinka yaryar iyo maaraynta waqtigu uga qayb qaadan karaan horumarka nolosheenna.
La soco Madari Podcats, Jimce 16-ka Oktoobar 2026 | 4:30 galabnimo, waqtiga Geeska Afrika.
1 week ago | [YT] | 502
View 6 replies
Madari Podcast
MAALGELINTA NAFTA |
Wax kasta oo qiimo leh maalgelin ayay u baahan yihiin, nafta aadamuhuna waa hantida ugu mudan ee la maalgeliyo.
Xalqaddan waxaan Prof. Mubaarak Aar kala sheekaysannay waxa ay ka dhigan tahay in qofku naftiisa maalgeliyo; aqoonta uu kasbado, xirfadaha uu barto, waqtiga uu ilaashado, fikirkiisa uu kobciyo sidoo kale dadka iyo deegaanka uu ku dhex nool yahay uu si fiican isaga hubsado.
Xalqadan dhexdeeda waxa kale oo aad ku arki doontaan halka uu qofku ka bilaabi karo, caqabadaha hortaagan dhalinyarada iyo sida tallaabooyinka yar yar ee maanta la qaadaa ay berri u noqon karaan isbeddel weyn oo saamayn leh hadii qofku si dhaba u joogteeyo.
Kala soco, Madari Podcast | Jimcahan, 25-ka September 2026 | 4:30 galabnimo. Waqtiga Geeska Afrika (EAT)
1 month ago | [YT] | 633
View 5 replies
Madari Podcast
🫡
1 month ago | [YT] | 1,795
View 72 replies
Madari Podcast
MAANTA | MADARI PODCAST
Maxaynu baranay?!
Maxay tahay aqoonta dhabta ahi? Yaa mudan in loogu yeedho aqoonyahan? Waxbarashadeennu ma inaga saari kartaa fakhriga iyo dib-u-dhaca?
Madari Podcast waxaa marti ku ah Ustaad Xassan Xaaji Yaaxeen, oo leh in ka badan 25 sano oo waayo-aragnimo macallinnimo ah, gaar ahaan dalka Norway.
Podcast-kan wuxu soo bandhigayaa aqoonta, tayada waxbarashada, kaalinta macallinka, afka hooyo iyo casharrada aynu ka baran karno nidaamyada waxbarasho ee horumaray.
Kala soco, 15 AUGUST 2026 | SABTI | 4:00 PM, Waqtiga Geeska Afrika
Ha moogaan qaybtaan muhiimka ah ee Madari Podcast.
Daawo, ka faa’iidayso, lana wadaag qof kasta oo ay aqoonta iyo waxbarashadu muhiim u tahay.
2 months ago | [YT] | 224
View 0 replies
Madari Podcast
KALA SOCO MADARI PODCAST
Martideenna soo socota waa macallin khibrad dheer u leh waxbarashada, kana soo shaqaynayay dalka Norway in ka badan 25 sano oo waayo-aragnimo macallinnimo ah.
Waxaan kala sheekaysan doonnaa waxbarashada, aqoonta, waayo-aragnimada macallinnimo iyo casharrada laga baran karo nidaamka waxbarasho ee qurbaha.
🎧 Ku xidhnow Madari Podcast Aqoonta & Waayo-aragnimada Bulshada.
2 months ago | [YT] | 245
View 1 reply
Madari Podcast
Podcast-kan waxaan ku falanqaynaynaa mid ka mid ah mawduucyada ugu muhiimsan ee saldhigga u ah caddaaladda, dowladnimada iyo wada noolaanshaha bulshada: Xuquuqda Muwaadinka iyo Xorriyadda Hadalka.
Martidayadu waa Garyaqaan Mubaarik Cabdi, oo inoo sharxi doona waxa ay tahay xuquuqdu, cidda lagu tilmaamo muwaadinka, xidhiidhka ka dhexeeya xuquuqda iyo waajibaadka, doorka dowladda ee ilaalinta xuquuqda iyo halka ay ku dhammaanayso xorriyadda hadalku marka laga eego Shareecada Islaamka, heshiisyada bulshada iyo dastuurada la qortay.
Podcast-ka oo dhamaystiran kala soco Madari Podcast.
3, Aug 2026, 4:00 PM
Waqtiga Geeska Afrika (EAT).
2 months ago | [YT] | 244
View 2 replies
Madari Podcast
Qaybtan waa Episode-ka 1-aad ee taxane ka kooban laba qaybood.
Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay maanta wajahayaan laba caqabad oo waaweyn: daciifnimada cibaadada iyo saamaynta afkaaraha qalloocan.
Podcast-kan waxaan ku falanqaynaynaa sida loo dhiso jiil ku adag cibaadaba sida salaadda, Qur’aanka iyo akhlaaqda Islaamka, loogana ilaaliyo fikradaha marin-habaabinta ah sida calmaaniyadda iyo ilxaadka innaga oo iftiiminayna doorka waalidka, culimada iyo bulshada ee tarbiyeynta jiil leh iimaan, cilmi sax ah iyo faham sugan.
Qaybta 2-aad waxay si qoto dheer u falanqayn doontaa afkaaraha qalloocan sida calmaaniyadda, ilxaadka, shakiyada iyo sidii looga hortagi lahaa.
3 months ago (edited) | [YT] | 564
View 27 replies
Madari Podcast
Maansada Shilal, waa maanso xambaarsan fariimo qoto dheer oo ku saabsan hoggaanka, qabyaaladda, musuq-maasuqa, caddaaladda bulshada, khiyaanada iyo caqabadaha waaqaca maanta jira.
Podcast-gan gaarka ah waxa aynu si toos ah uga dhagaysan doonnaa hal-abuurka maansada, annaga oo falanqayn iyo sharaxaad ka heli doonna macnaha, ujeeddooyinka iyo fariimaha ay xambaarsan tahay.
Kala soco muuqaalka oo dhamaystiran Madari Podcast
16 Juun 2026 - 5:00 PM (Waqtiga Geeska Afrika)
4 months ago | [YT] | 352
View 6 replies
Madari Podcast
Podcas-kan cusub waxa aynu ku falanqaynaynaa xaqiiqada caafimaadka indhaha iyo caqabadaha sii kordhaya ee bulshadu maanta wajahayso.
Dr. Shiine ayaa marti innoogu ah ugana hadlaya si faahfaahsan xaaladda caafimaadka indhaha, saamaynta moobilka iyo isticmaalka habeenkii sidoo kale sida ay aaladaha casriga ahi u saameeyaan aragga gaar ahaan dhalinyarada.
Podcast-kan waxa aad ku baran doontaa hababka ugu muhiimsan ee loo daryeelo indhaha, isbeddellada mustaqbalka la filayo dhinaca aragga, iyo sheekooyin dhab ah oo layaab leh oo uu Dr. Shiine la kulmay muddadii uu bulshada u adeegayay.
Waa Podcast wacyigelin caafimaad xanbaarsan oo muhiim u ah qof kasta oo doonaya inuu ilaashado araggiisa iyo caafimaadkiisa guud.
Kala soco arbacada, 13 May 2026, saacadda 4:00 PM.
5 months ago | [YT] | 641
View 5 replies
Load more